Muqisho: (Tayosame news) -Shacabka guud ahaan dalkaasi Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn u hadal haya oo ay cadho weyn ku abuurtay cajalad muquaal ah oo ay iska duubeen Askar Yugaandhiis ah oo ka mid ah kuwa Midawga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo muuqaalkaasi iska soo duubay iyaga oo sheekaysanaya kuna hadlaya hadalo ay dhibsadeen dadka Soomaalida ahi lagana cabsi qabo in ay ka dhalato xaalad kacdoon shacab ahi.
Sida ay baahinayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey Muuqaal lagu baahiyay youtube-ka ayaa muujinaya askar kamid ah ciidmadda AMISOM oo ka hadlaya dhaqamadda Soomaalida, mid ka mid ah hadalada ay askartaasi ku wada hadlayaan ayaa ku xadgudbay dhaqanka Soomaalid ah, askariga oo u muuqday in uu saaxiibadii ugu sheekaynayo dhaqamo xunxun oo uu Soomaalida ku arkay.
“Haddii gabdha Soomaliyeed gaadho da’da 20 sanno jirka, oo aanay guursan waxaa gabdhaasi u tagaya walaalkeed iyada la dhashay, ilmaha ay dhalaana wuxuu noqonayaa Al-Shabaab”. Intaa waxa odhanaya mid ka mid ah askarta Yugaandhiiska ah ee muuqaalkan iska soo duubay kadibna kuwa kale waa ay qosqoslayaan iyaga oo aad ugu qoslaya sheekada saaxiibnood uga sheegay dhaqanka dalkaasi Soomaaliya.
Faallooyin ay arrintaasi ka qorayaan Idaacadaha Muqdisho ayaa waxa ay ku sheegayaan in ay tahay arrin noqonaysa mid xad-gudub wayn ku ah dhaqanka suubban ee Soomaalida iyo mida Islaamnimada ahba, inkastoo aanay jirin cid wax ka qabanaysa arrintani iyo kuwii ka horeyayba.
Ciidamadda AMISOM ee ku sugan waddanka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay dalkaasi u yimaadeen in ay dowladda taagta daran ee Soomaliya ka caawiyaan dhanka amaanka, iyo ka hortagga kooxaha argagixisadda ah, laakiin waxay u muuqdaan kuwo dalkaasi u yimid in ay ku nastaan Soomaaliya, kuna qaataan mushahar aanay ku heli jirin dalalkooda sida ay faalladan ku sheegtay idaacadda Banaadir ee aan ka soo xiganay.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegaa in ay dalkaasi Soomaaliya guud ahaanba ka gaystaan falal kufsi, jidh-dil, caga jugleyn iyo arrimo kale ah, inkastoo hadda ay soo baxayso in ay Soomaalida ka aaminsan yihiin dhaqamadda foosha xun ee lagu arko waddamada reer galbeedka.