Dunidu waxa ay abuurtaa 57 milyan oo tan oo wasakh ah oo isugu jirta caagag iyo Baco sanad walba waxaana lagu arkaa badaha guntooda hoose ilaa buuraha dheereer, qashin qubka iyo ilaa jidhka dadka, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waxa daraasadaasi sheegtay in wasakhdaa in ka badan saddex-meelood laba meel ay ka yimaadaan koonfurta dunida (South Global).
Cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Leeds ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa baadhay qashinka laga soo saaro magaalooyin adduunka oo waxaana daraasad lagu sameeyay qashinka meelaha bannaan. Daraasadan oo lagu daabacay joornaalka Nature boqolkiiba15% dadka adduunka ah, dawladahoodu way ku guuldarraysatay inay ururiyaan qashinka oo ay maareeyaan. Qorayaasha cilmi-baadhistu waxay yidhaahdeen Koonfur-bari Aasiya iyo Afrikada Saxaraha ka hooseeya waxay soo saaraan qashinka ugu badan ee bacaha, waxaa ku jira 255 milyan oo qof oo ku nool Hindiya, sida daraasaddu sheegtay.
Lagos, Nigeria, ayaa sii daysay wasakhda caagga ah ee ugu badan magaalo kasta, sida uu qabo qoraaga daraasadda Costas Velis, oo ah borofisar injineernimada deegaanka Leeds. Magaalooyinka kale ee ugu waaweyn ee wasakheynta caagga ah waa New Delhi; Luanda, Angola; Karachi, Pakistan iyo Al Qahirah oo Masar ah.
Hindiya ayaa dunida hogaanka u haysa soo saarista qashinka caaga ah, iyada oo soo saarta 10.2 milyan oo ton sanadkii (9.3 milyan metrik ton), taas oo labanlaab uga badan wadamada ku soo xiga ee wasakhaysan, Nigeria iyo Indonesia. Shiinaha, oo inta badan loo tiiriyo wasakhowga, ayaa ku jira kaalinta afraad, laakiin Shiinuhu wuxuu samaynayaa horumar weyn oo lagu dhimayo qashinka, ayuu yidhi Velis. Wasakhowga ama qashinka caagga waxa kale oo ku jira Pakistan, Bangladesh, Russia iyo Brazil. Sideedaas waddan ayaa lagu sheegay in ay mas’uul ka yihiin in ka badan kala badh wasakhowga caagagga ah ee adduunka, sida lagu sheegay xogta daraasadda.
Maraykanka ayaa kaalinta 90-aad ka galay qashinka caagga ah oo ka badan 52,500 ton (47,600 metric tons) halka Boqortooyada Ingiriiska ay ku jirto kaalinta 135aad iyada oo ku dhow 5,100 tan (4,600 metric tons), sida lagu sheegay daraasadda.
2022, inta badan waddama dunidu waxay ku heshiiyeen inay sameeyaan heshiiskii ugu horreeyay ee sharci ah oo ku saabsan wasakhowga balaastikada ama bacaha, oo ay ku jiraan badaha. Wada xaajoodka ugu dambeeya ee heshiiska wuxuu ka dhacayaa Kuuriyada Koonfureed bisha Noofambar.
Daraasado dhowr ah oo sanadkan ah ayaa lagu ogaaday sida walxaha microplastics ay ugu badan yihiin biyaha la cabbo iyo unugyada dadka, sida wadnaha, maskaxda iyo xiniinyaha, iyada oo dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu aanay weli hubin waxa ay uga dhigan tahay khataraha caafimaadka aadanaha.
“Khatarta walxaha microplastics waa kuwa laga sii daayay Koonfurta dunida,” ayuu yidhi Velis. “Waxaan horeyba u jirtay dhibaato weyn oo ah daadsanaanta bacaha waxay ku sugan yihiin meelaha ugu fog meelaha aad u sarreeya sida buurta Everest,baddaha guntooda, waxay gashay hawadii cuntadii iyo wixii aan cabaynay. ”
Waxay warbixintu uu ku tilmaamay “dhibaato qof walba haysata” iyo mid dhibi doonta jiilalka mustaqbalka. “Ma aha in aan eedda dusha ka saarno Koonfurta Caalamka ama aan cannaanano,” “Oo aan ammaanno waxa Waqooyiga Caalamku sameeyey” ayey tidhi Velis.
Laakiin waxay ku tilmaantay dhaqaale la’aan iyo awoodda dowladuhu ku baxayaan adeegyada lagama maarmaanka u ah muwaadiniinta, ayuu tidhi Velis.