Baxsashada Saraakiisha Alshabaab Ee Ka Baxsanya Drones Ka Maraykanka Oo U Firxaday…………………………………………

0
25

Muqdisho (Tayosame news)  -Taliyaha guutada 52 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Axmed Maxamed Tredishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ka baxsanaya Duqeymaha Diyaaradaha dagaalka in ay soo gaareen gobolada Dhaxe.

Generaal Tredishe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay helayaan xogta saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka baxsanaya Duqemaha Diyaaradaha Aan Duuliyaha laheyn ay usoo carareen gobolada Dhaxe ee dalka.

Waxa uu sheegay Taliyaha in xubnahan katirsan Al Shabaab ee soo galay gobolada Dhaxe ay kasoo jeedaan gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxa uuna tilmaamay in aysan u ogolaan doonin in dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan deegaanada ay qaxa ku yimaadeen.

Taliyaha guutada 52 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Tredishe ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah Saraakiisha Al Shabaab ay usii gudbeen dhinaca Puntland gaar ahaan Buuraha Galgala.

Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha ay la beegsanayaan xarumaha iyo goobaha lagu tuhmayo in ay joogaan saraakiisha iyo dagaalyahanada Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.