In Ka Badan 400 Arday Oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Boosaaso

0
71

Bosaaso (Tayosame news)   -Barqanimadii Shalay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland lagu weeraray Bam Gacmeed kaas oo geystay khasaaro dhaawac ah oo gaaray Ciidamada qaarkood iyo dad Shacab ah.

Duqa Degmada Boosaaso  Yaasiin Mire Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxaas ay ka badbaadeen 400 oo Arday kuwaas oo wax ka baranayay Xarun lagu xanaaneeyo Caruurta oo ku taalla Goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Waxa uu sheegay in dhibaatadaas ay masuul ka yihiin kuwa nabada diidan isla markaana uu rajenayo in hal meel looga soo wada jeesan doono si meesha looga saaro.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in haatan ay socdaan baaritaano dhaeraad ah oo ku saabsan sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Qaraxa shalay ka dhacay Boosaaso ayaa ku soo aadaya xili weli goobihii Ganacsiga ay xiran yihiin kadib Ganacsatada oo ka cabanaya Shirkadda lagu wareejiyay Dekada Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.