Hargeisa (Tayosame news) Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Waxaa Soo Kordhaaya Siyaasiyiinta Iyo Masuuliyiinta,Gucla Orodka Ugu Jira Inay Xilal Ka Qabtaan, Xukuumada Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,Qaar Kamida Masuuliyiinta Xilalka Ka,Hayey Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ee Xilku Ka Dhamaaday,Ayaa Mid Waliba Tab Iyo Xeelad Ku Bixinaya Sidii Uga Soo Dhex Muuqan Laha Xukuumada Cusub Ee La So Dhisi Doono,
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Sharma,arke Geelle,Ayaa Siweyn Uga Soo Dhexmuuqday Siyaasiyiinta Doonaya In Dib Xilkooda U Hantaan,Waxaanu Durtaba Bilaabay Qaabkii Uu Warkiisa Ku Gaadhsiin Laha Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Cabdi,
Sharma,arke Geelle Oo Kamida Dhalinyarada Firfircoon,Ee Madaxweyne SIILAANYO Soo Barbaariyey,Ayaa Qaab Ka Duwan Siyaasiyiinta Kale U Wajahay Sidii Uu Kusoo Noqon,Lahaa Isaga Oo Warbaahinta Ku Bixiyey Kharashaad Badan, Si Ay Ugu Ololeeyaan,Qdobka Kowaad Ee Sharma Arke Geele Ku Ololaynaayo Ayaa Ah Inuu Shaqadiisa Gutay,Balse Intii Uu Xilka Hayey,Haayada Shaqaalaha Waxbadan Ayaa Iska Bedelay,Inkasta Oo Ay Jiraan Waxyaabo Tiro Badan Oo Gudoomiyuhu Ku Fashilmay,Kuwaas Oo Ay Ka Mid Yihiin,Musuq-maasuqa Dhanka Shaqaalaha Dawlada, Oo Masuul Waliba Xafiisyada Ka Buuxiyey Beelihiisa,Kuwaas Oo Aan Lagu Soo Xulan Aqoon,Amaba Aan Ku Iman Sifo Sharci Ah,
Waxyaabihii Ugu Danbeeyey Ee Sharma,arke Geelle Ku Fashilmay Waxaa Kamida Xeerkii Madaxweynaha Somaliland,Ee Haatan Xilka Ka Degaya,Ku Joojiyey Inaan Shaqaalaha Dawladu,Ku Dhex Milmin Ololaha Xisbiyada,Taas Oo Gudoomiye Sharma,Arke Geelle Ka Dhigay Hal,bacaad Lagu Lisay,
Shaqaale Hoosaadka Dawlada Ayaa Foolka Hore Ka Galay Ololaha Xisbiyada, Iyaga Oo Si Weyn Uga Soo Dhexmuuqday Fagaarayaasha Ay Xisbiyadu Kusoo Bandhigayeen Aragtidooda Siyaasadeed,Waxaanu Gudoomiyuhu Ku Guul Daraystay Inuu Meel,Mariyo Wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Ku Joojiyey,Inaanay Shaqaaluhu Ololayn,Isaga Oo Awood U Waayey Inuu Hal Qof Shaqada Ka Joojiyo,
Sidoo Kale Warar Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawladu Kamid Noqon Doono,Masuuliyiinta Gudida Daba Galka Hantida Qaranku Ay La Xisaabtami Doonaan,Maadama Oo Wax Is,daba Marin Balaadhan Ay Ka Jirto Shaqaalaha Dawlada,Oo Iyaga Qudhoodu Kala Tirsanaaya Cadaalad,La,aan
Waxaa Xusid Mudan In Madaxweyne Muuse Biixi Cabd Yahay Mid Feejigan, Isla Markaana Wakhtigii Ololaha Si Dhow Isha Ugu Hayey,Dadka Sharciga Ku Tumanaaya,Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Ogsoon Yahay,Doorkii Shaqaalaha Dawladu Kasoo Qaateen Guusha Xisbiga KULMIYE,Inkasta Oo Madaxweynuhu Yahay Mudane Ku Adag,Sharciga Iyo Kala Danbaynta Dawladnimo,Oo Aan U Hagranayn,Dadka Libta Keenay,,
Hadaba Waxaa Adag Sida Madaxweynaha Cusub Ku Soo Celiyo,Masuuliyiintii Xilalkooda Hanan Waayey,,Sidoo Kale Dadweynaha Ayaa Is Weydiinaaya Lacagta Faraha Badan Ee Sharma,Arke Geelle Ku Bixinaayo Ololahiisa,Halka Ay Ka Timi,Waxaana Laga War Sugaya In Madaxweynaha Cusub Kusoo Daro Liiska Xukuumadiisa.