Qoyskan Axmed Shafiq ayaa walwal ka muujiyay noloshiisa ka dib markii wadanka Imaaraadka laga masaafuriyay.
Masaafurintan ayaa imanaysa kadib markii mas’uulkani uu sheegay inuu doonayo inuu u tartamo doorashadda Masar ka dhacaysa sanadka soo socda ee 2018-ka
Axmed Shafiq ayaa dalka Masar u cararay 2012-kii xiligii Maxamed Mursi uu xukunka dalka ku guulaystay.
Markii dambena waxaa Maxamed Mursi xilka ka tuuray General Cabdifataax Alsisi sanadkii 2014-kii.
Axmed Shafiq waxaa loo haystay arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Dalka Masar ayaa lagu wadaa sanadka soo socda ee 2018-ka inuu doorasho gallo.
Waxaana hadda wadankaasi ka taagan dhaqaalo xumo iyo amaanka oo aad u liita.
Cabdifataax Alsisi ayaa si weyn ula tacaalaya dagaal ay koox fadhigoodu yahay Siinaay ay ku hayso ciidanka dowladda