Somaliya (Tayosame news) wararka naga soo gaadhaya soomaaliya ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada ku sugan Isgoyska Ex-Control Afgooye rasaaseeyay dad shacab ah oo maraayay meel aanan ka fogeyn Isgoyskaasi.
Rasaasta uu furay askarigaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo haween ah oo mid ka mid ah la sheegay in xaaladeeda ay liidato.
Lama oga sababta askarigaan uu u rasaaseeyay dadka shacabka ah ee maraayay Isgoyska Ex-Control Afgooye, iyadoo maanta wadooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa xidhan oo dadkana ay lugeynayaan.
Ciidamada kale ee ku sugan Isgoyska Ex-Control ayaa xidhay askariga dadka shacabka ah rasaaseeyay, waxaana laga qaaday qorigii uu falka ku gaystay.
Saddexda haweenka ah ee la dhaawacay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo.