Hargeisa (Tayosame news) Sida wararku tibaaxayaan ayaa sheegaya in khillaaf adag uu soo kala dhex galay madaxwaynaha xilka la wareegaya Muuse Biixi Cabdi iyo ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw-siciid.
Waxaana xoguhu tibaaxeen in ay isku jiidheen arrin la xidhiidha xadhiga Faybar Obtika ah ee madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa hadda xilka kasii dagaysaa ay kootada ugu xidheen.
Waxaana la sheegay in madaxwaynaha la doortay kulankii uu la qaatay ganacsatada Gar-xajis doorashadiisii kadib ay qaar kamid ah ganacsatadaasi ay kaga codsadeen sida xoguhu tibaaxeen in uu usoo fasaxo xadhig ay so jiiteen oo yaala badda,taas oo xukuumadda hadda xilka kasii dagaysaa ay diiday,Mudane Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha dhawaan xilka lawareegaya ayaa ganacsatadan u ballan qaadday in ganacsigu noqon doono mid xor ah,taas oo aad uga cadhaysiisay sida xoguhu tibaaxeen ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw-siciid oo isagu sidii uu Muuse Biixi kursiga madaxwaynenimada Somaliland u saari lahaa siyaasadda ugu dhex milmay .
Khilaafkan ayaa hadda waxa la s heegay in uu meel sare marayo xaraaradiisu,balse lama oga sida xaalku noqon doono.