Markab Ku Rarnaa Muus Oo Laga Helay Maandooriye Badan Oo Cocoine Ah

0
143

Ku dhawaad lix tan oo maandooriyaha cocaine-ka loo yaqaanno ah ayaa la helay iyadoo lagu soo qariyay moos saaran markab ku soo xirtay dekedda magaalada Algeciras ee koonfurta dalka Spain.

Maandooriyahan ay qabteen booliiska iyo waaxda canshuuraha ayaa ah mid ka mid ah daroogadii ugu badnayd ee Yurub gaarta labaatankii sano ee u dambeeyay.

Maandooriyahan ayaa lagu qiimeeyay 249 milyan oo doolar.

Markabkan ayaa ka yimid magaalada Medellin ee dalka Colombia wuxuuna u socday magaalo xeebeedka Barcelona.

Booliisku ma aysan sheegin waxa ay uga shakiyeen markabka laakiin markii ay labo koonteenar si fiican u baareen ee ay waxba ka waayeen ayay kii saddexaad ka heleen cocaine-ka.

Booliiska sida milatariga u tababaran ee Spain ayaa sheegay in ay xireen saddex ruux oo midkood Spain u dhashay loona malaynayo in uu yahay hogaamiyii shabakadda iyo labo kale oo u kala dhashay Honduras iyo Boortaqiiska, labo ruux oo kalana baaritaan ayaa ku socda.

Sannadkii 2016kii muus macmal ah ayaa daroogo lagu soo qariyay  Waa daroogadii labaad ee ugu badnayd ee abid Spain lagu qabto. Sannadkii 1999kii ayaa la qabtay 7.6 tan oo saarnayd markab ay saarnaaayeen shaqaale Ruush ah iyo kuwo Belarussian ah.

Sannadkii 2016kiina 171kg oo cocaine ah oo lagu soo qariyay moos macmal ah ayaa isla dekeddan lagu qabtay, balse hadda moos sax ah ayaa lagu soo dhex qariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.