Ciidamadda Yugaandhiiska Ah Oo Bilaabay Inay Iskaga Qaxaan Somaliya iyo 1000 U Horeeyey Oo Ka Huleelay Somalia

0
27

Somaliya (Tayosame news)  -Saraakiisha militariga Ugandha ayaa sheegay in ay bilaabeen in ciidanka ay kala baxaan Soomaaliya, waxayna ku billaabeen 281 askeri oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Qaramada Midoobey ee lagu dhimayo tirada ciidamada Midowga Afrika ka joogo Soomaaliya. 1,000 ayaa illaa dhammaadkan sanadka laga saari doonaa dalka oo hadda ka soo kabsanaya colaadda.

Soomaaliya waxaa ku sugan in ka badan 22 kun oo askeri oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ugandha, oo ah dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ciidamo geeyay sannadkii 2007-dii, waa waddanka bixiyay tirada askarta ugu badan oo gaaraya illaa 6,000.

Kenya, Burundi, Jibuuti and Itoobiya ayaa sidoo kale la filayaa in ay dhimaan tirada ciidamadooda illaa dhammaadka bishan.

In hadda 1,000 askeri laga saaro Soomaaliya waxaa suuragal ah in aysan saameyn wayn ku yeelan howlaha amniga, balse dowladaha taageera AMISOM waxay doonayaan in ay arkaan militariga iyo booliska Soomaaliya oo sugidda arrimaha nabadgelyada la wareegaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.