China (Tayosame news) Diyaarad aan ciddina wadin oo Hindiya leedahay ayaa “ku xad gudubtay hawada Shiinha ka dibna ku burburtay” dalkeeda sida ay ku warrameen warbaahinta Shiinuhu.
Zhang Shuili oo ah masuul u hadlay Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhacday “maalmihii u dambeeyay” balse ma uusan sheegin meesha ay arrintani sida gaarka ah uga dhacday.
Wakaaladda wararka Xinhua ayaa ka soo xigatay in uu yiri “Hindiya waxay meel uga dhacday madaxbannaanida dhuleed ee Shiinaha”.
Calaaqaadka labadan dal ayaa sii xumaaday xagaagan ka dib markii ay ku murmeen muran ka dhashay dhulka joogiisu sarreeyo ee Himalayan.
Zhang ayaa sheegay in ciidammada ilaaladu ay sameeyeen hawlgal lagu “xaqiijinayo” diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ee la sheegay, arrintaas ayayna warbaahinta dawladdu aad u faafisay.
Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu uu muujinayo “in uu aad uga xun yahay ugana soo horjeedo dhibaatadan, dalkuna uu dardar galin doono ilaalinta xaqiisa iyo ammaankiisa”.
Calaaqaadka labada dal ayaa xumaaday bishii Juunyo markii Hindiya ay sheegtay in ay ka soo horjeedo isku dayga Shiinahu uu ku ballaarinayo waddada Doklam/Donglang ee joogeedu sarreeyo ee xadka Shiinaha, Hindiya iyo dalka Bhutan.
Shiinaha iyo Bhutan ayaa isku haya dhulkan uu joogiisu sarreeyo, Hindiyana waxay taageersan tahay Sheegashada Bhutan.
Ka dib toddobaadyo ay xiisaddu sare u sii kacaysay ayay labada dhinacba ciidammadoodii dib ula baxeen bishii Agoosto, taas oo soo af jartay is hor fadhigii.
Labadan dal ayaa xad ku dagaalamay 1962dii, murankaas ayaan wali ka tagaan meelaha qaar oo aan wax xal ah laga gaarin, taas ayaana sababta in xiisaddu marmar kacdo.