Cali Mareexaan Oo Laga Dabadiray Wasiir Zamzam Iyo Cali hindi Si Looga Soo Celiyo Lacagtii Ay ula Baxsadeen Jabuuti + Siilaanyo iyo Marwadda Oo Isku Dhacay

0
895

Hargeisa (Tayosame news)  -Madaxweynaha Somaliland ee xilka wareejinaya Axmed Siilaanyo ayaa wasiirkiisii Hawlaha Guud ee Cali Mareexaan ka daba diray lacag malaayiin doolar oo waabarigii doraad ay wasiirkii Maaliyadda Samsam iyo xoghayahii madaxweynaha Cali Hindi ka qaadeen guriga Siilaanyo ee xaafadda State House ka ee Hargeysa iyadoo uu Mr Siilaanyo shallay uun ogaaday in lacagtaasi oo aheyd mid ay dawladda iyo ganacsatadu ugu talo galeen kaambeekii doorashada loo qaaday Jibuuti dabeetana uu ka daba diray Cali Mareexaan si lacagtii loo soo celiyo iyadoo ay afada madaxweyne Siilaanyo ee Aamina Waris ka cadhootay in lacagtas Hargeysa lagu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.