Madaxwayne Trump Oo Uga Digey Falastiiniyiinta In Aanay Baajin Kulankii Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Mike Pence

0
30

USA (Tayosame news)  -Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dowladda Falastiin inay hakiyaan kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

DigniintaMareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.

Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan.

Kolsii horeysay, in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ku dhexmaray ciidamadda Israa’iil iyo dibad-baxayaal Falstiiniyiin ah, magaalada la heysto ee Daanta Galbeed.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Sikastaba, Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.