Xarakadda Alshabaab Oo Weeraro Halis Ah Ku Qaaday Saldhig Ciidanka Puntland Iyo Khasaaraha Weeraradaasi

0
27

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada maamul goboleedka  Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira khasaaro soo kala gaaray Al-shabaab iyo Ciidamadda maamul goboleedka  Puntland ee ku sugnaa saldhiga deegaankaas.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka puntland oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan deeganadda Maamulka Puntland  xilli labo maalin ka hor qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay Cali Magafe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.