Romania (Tayosame news) tuulada Kustisti ee dalka romaania waxa ka jira arrinta dhagaxaanta cajiibka ah. Dhagaxa tuuladan ayaa soo jiidtay dalxiisayaal badan oo tuuladu caan ku noqotay.
Dadka Deegaanka ayaa dhagaxan u bixiyey “TROVANTS” oo luuqada dalkooda ah macno ahaana noqonaysa “dhagaxa nool” aqoonyahanada macdanta ayyaa soo saaray warbixino ku saabsan dhagaxan farshaxan ku saabsan.
warbixinta ayey ku cadeeyeen in dhagaxantani ay jireen muddo 6 Malyuun oo sano ah wakhtigaasi oo ay ku bilaabmeen iyagoo qururux yaryar ah ilaa ay ka gaadheen 10 metter. waxa kale oo ay sheegeen in koritaanka dhagaxantani aanu ahayn mid si dhakhsiyo ah u socda lkn uu markii 1000 sanadood lajoogaba uu korayo 5 ilaa 5 cm.
kadib markii daraasado dhawr ah la sameeyey ayey hayadda UNESCO ku dhawaaqday inay yihiin dhaxal aadamigu leeyahy oo umaduhu kala dhaxlaan iyo inay waajib tahay in horumar lagu sameeyo oo la ilaaliyo waxa kale oo warbixintu sheegeen in dhaxani halkii hore u yaalay koritaanka awgeed uu ka dhaqaaqayo qiyaas dhan ilaa 2mm.