Ethiopia (Tayosame news) Waxaa heshiis buuxa laga gaadhay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo Bariga Itoobiya ku dhex maray Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kadib kulamo kala duduwan oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Duqa Magaalada Jigjiga Ibraahim Maxamuud Mubaarak ayaa sheegay in marka hore la Go’aamiyay in dadkii ka soo barakacay deegaanadii lagu dagaalamay lagu celiyo,sidoo kale cid alaala cidii ka tagtay Jigjiga ay ku soo laabato iyo in dadkii kala heystay hanti la isugu celiyo.
Waxa uu sheegay in shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Adis Ababa heshiiskaas lagu gaadhay isla markaana Bulshadu ay aad u soo dhaweeyeen.
Bariga dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Qowmiyada Oromada iyo dadka Soomaaliyeed wallow haatan xal laga gaadhay.