Xukumadda Iraq Oo Ku Dhawaqday In Guud Ahaanba La Tirtiray Xoogaga Isis “Dowlada islaamka”

0
24

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabadi ayaa shir ka socda magaalada Baqdaad ka sheegay in ciidammada Ciraaq ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xadka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobihii u dambeeyay ee ku harsanaa gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa ku yaallay agagaarka xadka ka dib markii ay gacantooda ka baxday magaalada Rawa bishii Nofembar.

Ku dhawaaqiddan Ciraaq ayaa ku soo aadaysa labo maalmood ka dib markii ciidammada Ruushku ay shaaciyeen in ay ka guulgaadheen hawlgalkii ay Kooxda Dawladda Islaamka kaga xoraynayeen deegaannada Suuriya.

Kooxaha Jihaad doonka ah ayaa qabsaday dhul wayn oo Suuriya iyo Ciraaq ku yaalla sannadkii 2014kii, waxaana maamulkooda ku hoos noolaa dad lagu qiyaasay 10 milyan oo ruux.

Laakiin jab badan ayaa soo gaadhay labadii sano ee u dambaysay, iyaga oo ay gacantooda ka baxday magaalada labaad ee ugu wayn Ciraaq ee Mawsil bishii july ee sannadkan, bishii horana waxaa gacantooda ka baxday magaalada Raqqa oo xarun u ahayd.

Qaar ka mid ah dagaalamayaashii kooxda isku magacawda dawladda Islaamka ayaa la sheegay in ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah ee Suuriya, kuwo kalana waxaa la rumaysan yahay in ay u baxsadeen dhanka xadka Turkiga.

Ra’iisulwasaare Cabadi ayaa Sabtidii yidhi “xoogaggayaga ayaa gacanta ku wada haya xadka Ciraaq iyo Suuriya waxaana ku dhawaaqayaa in la soo afjaray dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.

“Caddawgaygu wuxuu doonayaa in uu dilo ilbaxnimadayada, balse wadajir iyo ka go’naansho ayaan kaga guulaysanay. Wakhti yar ayaana ku guulaysanay.”

War qoraal ah oo uu soo saaray milatariguna waxaa lagu sheegay in Ciraaq “oo dhan laga xoreeyay” Kooxda igu yeedha Dawladda Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.