Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Guryo Noqday Magaalada Muqdisho

0
37

Somaliya (Tayosame news)   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii magaalada Sharma Sheekh kaga qeyb galay shir lagaga hadlayay Ganacsiga Qaaradda Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa labo cisho ku sugnaa dalka Masar, waxaana safarkiisa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Senator iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa madaxdii shirka ka qeyb gashay la wadaagay kheyraadka ay hodanka ku tahay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ee Afrika.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa ka soo hadhay wafdiga Madaxweynaha, waxaa uu gaadhay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, halkaasoo uu uga qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.