Waxyaabaha Keena Finanka Wejiga, Sida Laysaga Daweeyo iyo Siyaabaha Looga Hortegi Karo Finanka Wejiga

0
828

Hargeisa (Tayosame news) waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wajiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjidho maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjidhadaas ayaa ka xidhma afka kadibna bararaan markii la riixanona waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.

Waxyaabaha Keena Finanka Wejiga?

  1. Qofka  oo wajigiisu nooca dufanka isla markaana aan aqoon sida loo nadiifiyo.
  2. Qofka oo marka uu wajiga dhaqanayo xoog uruga wajiga taas oo keenaysa in qanjiradii soo daynaye dufanka in ay sii siyaadshaan
  3. Hurdo yaridu waxay ka mid tahay waxyaabaha ka qeyb qaata finanka wajiga
  4. Qofka oo finkii kasoo baxaba gacmaha la doonta  kadib dillaaciya taas oo keenta meeshii in raad kuhadho madoow ah
  5. Heerka hormoonada qofka
  6. Qofka oo aan hurdo iyo nasiino fiican helin hadana kudarsada fakkar iyo welwel.

Hababka Dabiiciga ah ee loo Daaweeyo Findoobka: 

  • Biyaha Liin dhanaanta: waxay u fiican yihiin baaba’inta summadda finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya Mari biyaha liinta maqaarka xiliga fiidkii. Kadib ka maydh 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diiran.
  • Khalka Tufaaxa: Waxaad isticmaali kartaa khalka tuffaaxa adiga oo isticmaalayaa suuf ama cudbi midkaa utaqaan kana fogeenaya gacnaha wajiga khaasatan finka.
  • malab iyo qorofle la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 malqacadood oo malab ah iyo 1 malqacad oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabarada ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
  • Dacarta: Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka. Dacarta kala jeex, oo mari wajiga waxa jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama casaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.