Hargeisa (Tayosame news) Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee hada uun xilka loo dhaariyey Mudane muuuse bixi cabdi iyo xukumaddiisa waxa jiri doona qodobo dhawr ah oo loo baahan yahay inay wax ka qabtaan Waxaana ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa’ilka ee ka dhex jirta bulsho weynta reer Somaliland, Arrinta Citiraaf raadinta ayaa noqon doontana mida ugu weyn ee laga wada sugayo xukumadda Mudane Muuse Biixi.
Waxa kale oo looga fadhiyaa madaxweyne muuse inu wax ka qabto shaqo la’aanta iyo sixir barar ka dhex taagan jamhuuriyada iyadoo shacbku in baddan ka cabanayeen, iyadoo ay jiraan arrimo dhowr ah oo kala shaqo la’aan bahsan, sixir barar xad-dhaaf noqday, aabaraha so noqnoqda iyo arrimo kale oo dhowr ah.
Arrimaha ugu waawayn ee horyaalla Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaa ah in ay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamul gboleedka Puntland, iyo in meel fiican in la gaadhsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya.