Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Maraykanka Oo Duqeeyey Deegaano Ka Tirsan Kismayo

0
22

Somalia (Tayosame news) Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee Dowladda Mareykanka ayaa Xalay Duqeyn ka fuliyay degaan hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday Saldhig ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-xaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Cidanka Xoogga dalka somaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-xaani.

Sidoo kale General Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xilliga ay dhacaysay in saldhiga uu shir ugu socday saraakiil ka tirsan xarakadda Al-shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Gen. Saxardiid ayaa sheegay Duqeyntan in lagu dilay Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka ee Degaanka Beer-xaani, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la dilay 15 Dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab.

Duqeyntan oo ay amartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan magacyada iyo sawirrada Shabaabka lagu dilay duqeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.