Budhcada internetka K/waqooyi Oo Jabsaday Qalab Casri Ah Oo Laga leeyahay K/koonfureed

0
27

Pyongyang (Tayosame news) Hayadda ka hortaga mukhadaraadka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay ka dambeysay budhcadi jabsatay aalad casri ah oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa maaliyadda dalkeeda.

Ugu yaraan toddobo milyan oo doolar oo ku jirtay aaladda casriga ee maaliyadda ayaa la sheegay in ay xadeen burcada wax jabsatay.

Hay’adda sirdoonka qaran ee Kuuriyada Koonfureed waxa ay sidoo kale sheegtay in tuugada ay jabsadeen macluumaad gaar ah oo ay la haayeen sodon kun oo qof oo lacagaha kala baxay aalada casriga ee suuqa ugu weyn Kuuriyada Koonfureed.

Khubaradda ka faaloota arrimaha budhcadda wax jabsata ayaa sheegaya in laga yaabo in budhcadda Kuuriya Waqooyi ay bartilmaameedsatay suuqayadan casriga ah si ay uga fogaaato cunaqabteynada maaliyadeed ee loogu soo rogay horrumarinta barnaamjikeeda hubkaniyuuklerka ee ay ku howlan tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.