UN (Tayosame news) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrinta Kuuriyada Waqooyi lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed.
Mr Gutrerres ayaa intaasi ku daray in si hoos loogu dhigo halista ah in muranka Kuuriyada Waqooyi uu noqdo mid dagaal horseeda si degdeg ah loogu baahan yahay in qaab diblomaasiyadeed lagu xaliyo muranka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo la hadlayay xubnaha Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xusay in cawaaqib musiibo ah ay yeellan karto haddii aan laga hortagin halista dagaal dhaca.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna u sheegay Golaha Qaramada Midoobey in Mareykanka uusan doonayn dagaal uu la galo Kuuriyada Waqooyi.
Tillerson ayaa sheegay in tillaabooyiin dhowr ay Mareykanka miiska u saaran yihiin si ay isu difaacaan.
Dhanka kale Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis, ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in gantaalada Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay ay halis ku yihiin Mareykanka.