Somaliya (Tayosame news) Wasiirka Difaacada Dowlada Mareykanka Jim Mattis ayaa ka hadlay sababaha xiligan Dowlada Mareykanka u hakisay taageeradii ay siin jireen Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya .
Waxa uu sheegay Wasiirka Difaaca Dowlada Mareykanka in sababta ay kaalmada uga hakiyeen Milatariga Soomaaliya uu yahay Musuq maasuq baahsan ka dhax jira hogaanka Ciidanka Milatariga .
Jim Mattis ayaa xusay dowlada Mareykanka xiligan kalsooni badan ku qabto in dowlada uu hogaamiyo Farmaajo soo afjari doonto musuq maasuqa iyo waxyaabaha ragaadiyay soo kabsashada ciidanka xooga Soomaaliya.
Wasiirka Difaacada Dowlada Mareykanka ayaa amaanay dadaalada Dowlada Soomaaliya ku dooneysyo in ay kula dagaalanto Musuq maasuqa Soomaaliya ka jira gaar ahaan kan ciidanka Xooga Soomaaliya dib u dhac u keenay.