Canada Oo $10milyan Ku Bixinaysa Wax Ka Qabashada Abaaraha Somaliya

0
29

Canada (Tayosame news) Dowladda Canada ayaa Shaaca ka qaaday in howlaha gargaarka ee ka socda Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan $10 Milyan oo Dollar

Canada waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in si deg deg ah wax looga qabto Abaaraha Soomaaliya oo sanadkiiba galaafta nolosha kumanaan qof.

Lacagahan waxaa loo kala qoondeyn doonaa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ee kala ah  World Food Programme, UNICEF, the United Nations Development Programme and the American Refugee Committee,waxaana ay ku bixin doonaa Dadka Soomaaliya ee dhibaatada abaarta la kulmaya.

Lacagahaan waxaa Bixiyay Wasaaradda horumarinta Caalamiga ah, waxaana Wakiil ka ah Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Canada Axmed Xuseen oo ah Muwaadin Soomaali Canadi ah.

Waxaa uu sheegay Axmed Xuseen  in Dowladda Canada ay  garab taagan tahay horumarka iyo amniga ka jira Soomaaliya ay dhinaca abaarta ka saacideyso Soomaaliya.

Abaartii ku dhufatay Soomaaliya ee SIMA ayaa soo jiidatay indhaha Caalamka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirtaa sidii loogu hortagi lahaa Abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.