Madax Dhaqameed Soo Kala Dhex Galay Muuse Biixi Iyo Xaglatoosiye + Maxa Laga Yidhi Arrintii Gawaadhida Xaglatoosiye?

0
49

Hargeisa (Tayosame news) wararkan soo if baxaya ayaa waxay daaha ka faydayaan in odayaal iyo madax-dhaqameed kala duwan oo kasoo kala gobolada Sool, Buuhoodle iyo Maroodi-jeex ay galeen dhex-dhaxaadinta iyo garnaqa madaxwaynaha cusub ee Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” kuwaas oo maalmihii u danbeeyeyba fiintu dhex miranaysay isla markaana khilaaf adag soo kala dhex galay.
Wararku waxay sheegeen in odayaashan iyo madax-dhaqameedkan ay shalay si gaar ah ula hadleen wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, isla markaana kala hadlen xalinta khilaafkan qadhaadh ee soo kala dhex galay,waxaana si rasmi ah loo garanayn qodobada kasoo baxay ee la isla afgartay.
Dhinaca kale madax-dhaqameedkan ayaa la sheegay in la filayo inay saaka kulan la qaataan madaxwaynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay kala hadleen sababaha dhaliyay khilaafkan iyo in uu ku badhi furay heshiis ay kala saxeexdeen wakhtigii ololaha lagu jiray,odayaashan ayaa ku hawlan xalinta khilaafkan adag ee soo kala dhex galay madaxwaynaha cusub iyo wasiirkii hore ee caafimaadka.
Geesta kale wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa waxay sheegayaan in ciidamada booliska gobolka Togdheer ay dib magaalada Hargeysa ugu soo celiyeen labadii gaadhi ee wasiirkii caafimaadka Xaglo-toosiye lahaa isla markaana lagu qabtay kaantaroolka magaalada Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.