Tuulo Dhan oo La Waayay Dalka Chile iyo Raadinta Dadkeedii oo la la` yahay!!!!

0
428

Chile (Tayosame news) Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Chile ayaa sheegay dhoobo ay sababeen Roobab Culus ay aastay tuulo yar oo ku taala koonfurta dalka Sabtidii, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 15 kalena la la yahay.

Fiidiyoow lagu qaaday diyaarad Helokobtar ah ayaa muujisay degaan ballaadhan oo ka mid ah magaalada fog ee Villa Santa Lucia kuna aasantay dhulka hoostiisa iyadoo dhoobo dul martay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, xukuumadda ayaa sheegtay in laba haween ah oo reer Chile ah iyo dalxiis aan magaciisa ama jinsiyadiisa la sheegin ay ku dhinteen dhacdada.

Samatabbixiyayaashu wali waxay baadhayaan hadhaaga burburka ugu yaraan 15 qof oo maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.