Gegida Diyaaradaha Ugu Mashquulsan Dunida Oo Halmar Dhib Ku Habsatay

0
16

USA (Tayosame news)  Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hartsfield-jackson ahna kan  ugu mashquulsan aduunka ayaa halmar korontada ama laydhku ka tagtay taasoo sababtay in qayb kamid ah garoonka la xidho, duulimaadyo badana dib loo dhigo.

Garoonkan diyaaradaha ayaa ah midka ugu mashquulka badan adduunka oo dhan, waxaana maalin kasta adeegsada 250,000 oo rakaab ah iyo 2,500 oo duulimaad.

Dadkii safrayay ayuu mugdiga garoonka ku jirahalka qaar kale ku dhex jiraan diyaaradaha.

Diyaarado soo dagi lahaa ayaa garoomo kale loo leexiyay, kuwo kale oo ka duuli lahaana garoonka ayaa lagu sii hayay.

War qoraal ah oo uu garoonku soo saaray ayaa lagu sheegay in ay korontadu go’day Axaddii  Georgia Power oo ah shirkadda korontada siisa garoonka ayaa sheegtay in ay rumaysan yihiin in uu dhibkani ka dhashay dab ka kacay korontada dhulka hoosteeda marta ee garoonka.

Waxay sheegtay in aysan garanaynin waxa sababay dabka, balse ay rajaynayso in ay korontada soo celiyaan saqda dhexe ee Axadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.