Cabudhita iyo Cago Juglaynta Weriyayaasha iyo Maayirka Berbera Oo Xabsiga Dhigay Labo Weriye Oo KA Hawl-gala Berbera

0
24

Berbera (Tayosame news)   Maayirka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, ayaa Xabsiga u taxaabay laba wariye oo kamid ah wariyaasha ka hawl-gala gobolka Saaxil, kuwasoo kala ah Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala Telefishanka Eryal iyo sidoo kale Wariye Cabdiraxmaan Maxmaed Cige oo isna ah Wakiilka Telefishanka Saab ee Magaaladda Berbera.

Maayir Cidin, ayaa wariyaasha ku haystaa dad masaakiin ah oo u dhul ka qaaday, isla markaana barakiciyey, oo ay wariyaashu ka duubeen cabasho. Sidoo kale, Maaiyirka xadhiga wariyaasha umu marin dariiq sharci, hase-yeeshee waxa uu ka taxaabay suuqyada magaaladda Berbera, isagoon usoo qaadan wax waaran ah.

Maayirka Berbera Md. Cidin, ayaa u tafo-xaytay cabudhinta iyo cago-juglaynta wariyaasha gobolka, kaasoo kula kaca haadi-daad cago juglayn. Isagoo ka dagaalamaya in aan waxba laga baahin musuq-maasuq la sheegayo inuu dul-hoganayo dawladda hoose ee Magaaladda Berbera, iyo sidoo kale dhul uu xoog kaga qaaday dad-masaakin ah, isla markaana sida la sheegay oo mulkiyado been abuur ah u samaystay.

Geesta kale, maayirka Magaaladda Berbera waxa xabsiga ugu xidhan Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil, kaasoo uu ku haysto eeddo musuq-maasuq oo u jeediyey iyo dhul uu ka qaaday dad dan yar ah, waxanu muddo laba todobaad ah Masuulkaa ka tirsan Xisbiga Waddani bilaa maxkamad ugu xidhan yahay Maayir cidin. La soco warbixino soo bandhigaya musuq-maasuqa Maayirka Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.