Ciidamo Qalabkii Dagaalka Wata Oo Xidhay Wadooyinka Magaalada Muqdisho

0
18

Somaliya (Tayosame news)  wadooyinka magaalada muqdisho ayaa maalinka labaad oo xidhiidh ah xidhan, wadooyinka xidhan ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sanca, Darjiinka iyo kuwo kale, waxaana xidhitaanka wadooyinkan ay bilowdeen abaare 05:00-PM ee shalay, wadooyinka la xidhay waxaa si aad ah u isticmaala shacabka.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa wadooyinkan xidhan, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo aad u feejigan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) oo shalay tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo xidhay wadooyinka Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay, waxaana wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha halkaasi uu shaqadiisa uga sii wadi doono si ku meel gaadh ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.