DEGDEG: Sawiro, Khasaare Dhimasho Oo Uu Sababay Tareen ayaa Ka Dhacay Caasimada Maraykanka iyo Tareenka Oo Qayb Qayb U Kala Go’ay

0
23

USA (Tayosame news) Ugu yaraan seddax qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tareen kala go’ay. Shilka oo ka dhacay Washington wuxuu dhacay xilli mashquul badan oo dadka ay shaqooyiinka u degdegayeen.

Saraakiisha waxay sheegeen in 72 qof loo qaaday cisbitaallo, badankooda waxay ku dhaawacmeen burburka ka soo daatay tareenka.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah. Maamulka ayaa waxay sheegeen in dadka badankooda la daaweeyay, balse ay suuragal tahay in tirada dhimashada ay korodho.

Toddobo gaadhi oo laba ka mid ah ay yihiin xamuul, ayuu ku dhacay qeybta go’day. Gawaadhidaasi waxay marayeen waddo wayn oo ka hooseysay khadka tareenka. Tiro dad ah ayaa dhaawacmay iyagoo gawaadhidooda ku dhex jira, balse qofna muusan ku dhiman halkaas.

Waa markii ugu horeysay oo tareenka dadka qaada ee Amtrak uu marro waddo cusub oo yar.

Tareenka wuxuu ka soo baxay Seattle, wuxuuna ku sii jeeday Koofurta Portland. Wuxuu Tareenka ku kala go’ay meel tareenno badan ay isticmaalaan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa xilli hore maamulka ka soo xigatay ayagoo sheegaya in lix qof ay ku dhinteen shilka.

Qeyb ka mid ah tareenka oo ka soo dhacday buudoada dusheeda ayaa la arkay, halka qaar kale ay waddada iyo geedaha dushooda fuuleen.

Tareenka wuxuu siday 86 qof oo ka koobnaa 77 rakaab ah iyo toddobo shaqaalaha tareenka ah iyo farsamo yaqaanno.

Booliska waxay sheegeen in 19 qof la qaaday ayagoo aan dhaawac ahayn halkan 72 ay dhaawacmeen oo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.