Weerarada Halista Ah ee Lagu Hayo Isticmaalayaasha FACEBOOK iyo Sida Aad Isaga Badbaadin Karto Ugana Hortagi Karto.

0
385

Hargeisa (Tayosame news) Waxa beeyahan danbe aad u soo badanaya weerarada iyo dhaca lagu hayo bulsho weynta isticmaasha baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook, weeraradan ayaa inta badan loo adeegsadaa qalabo kala duwan iyo xayeysiimo badan oo ay ugu caansan yihiin kuwa dadka ugu baaqa inay badelaan midabka aaladooda ama facebook-yadooda, taasi oo ay ugu wacan tahay baahida iyo jacaylka uu aadmigu u qabo wax cusub.

Hadaba waxay sameeyaan xayeysiisyadani in ay kugu dhiirigeliyaan inaad soo download garaysato barnaamij Virus ah oo ay ku weerarayaan ciwaankaaga, combiyuutarkaaga ama moobilkaaga, iyagoo inta badan kugu mashquulinaya muuqaal daawasho oo sharaxaya sida loo badelo midabka facebook-ga waa sida khiyaamada u dhigayaane, waxa kale oo mararka qaarood u suurto gasha inay virus iyo sawiro anshax xumo ah oo qaaqaawan ay u diraan dhamaan asxaabtaada facebook adna aad awoodi weydo inaad joojiso.

Hadaba waxa kula gudboon inaad ka digtoonaato khiyaamooyinka iyo dabinada budhcada internetka, hadiise aad ku dhacdo waxa kula gudboon inaad si degdeg ah u qaado talabooyinkan

  • degdeg u badel numberkaaga sirta ah ama password kaaga
  • soo iibso oo ku shubo anti-virus kombiyuutarkaaga
  • Hadii uu moobilkaaga saamayn ku yeeshayna degdeg u format garee mobilka, iskana ilaali xayeysiisyada kuu sheegaya in mobilkaagu virus leeyahay maxa yeelay iga laftigoda ayaa virus ahba

fadlan nala soo xidhiidh hadii dhib sidan oo kale ahi ay ku qabsato

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”1″][contact-field label=”Email” type=”email” required=”1″][contact-field label=”Message” type=”textarea”][/contact-form]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.