Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Xidhan iyo Ciidamo Gaaf wareegaya Magaalada? Maxa Dhacay?

0
16

Somaliya (Tayosame news) Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, maadaama maanta Muqdisho lagu qabanyo Munaasabad aad u ballaadhan oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ciidamo hubeysan oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Hay’adaha ammaanka Dowladda ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho qaarkood, gaar ahaan agagaarka goobta ay Munaasabadda ka dhaceysa oo ah xarunta Gen. Kaahiye, kuwaasi oo aad u feejigan, watana gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxa ay sii xidheen wadooyinka qaar ee Muqdisho, waxaana shacabka ay ku soo tooseen iyada oo ay xidhan yihiin wadooyinka Muqdisho qaarkood, keliya wadooyinka inta badan maanta waxaa isticmaalaya gawaadhida ay wataan masuuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada.

Saraakiisha ammaanka ayaa Ciidamada ku amray in ay ammaanka aad u adkeeyaan, inta lagu guda jiro xuska Munaasabadan, si looga hortago in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.