Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Wax Danbi Ah Lagu Waayey iyo Maxkamada Oo Fasaxday

0
30

Somalia (Tayosame news)  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa duhurnimada maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kadib markii saaka ay Maxkamaddu u fadhiisatay kiiskii loo heystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn C/raxmaan C/shakuur, markii horena aan lagu soo xidhin wax waaran ah.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in kiiskan ay ka qaadato Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xidhantay oo noqosho dambe aysan laheyn.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa 18-kii Bishan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii ay weerar ku qaadeen hoygiisa Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.