Madaxtooyada Somaaliya Oo Maanta Madaafiic Dhowr Ah Lagu Weeraray + Khasaaraha Madaafiicdaasi

0
367

Muqdisho (Tayosame news)  Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta barqadii ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee dalka Soomaaliya, iyadoo madaafiicda qaar jugtooda laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen agagaarka 15 May iyo caga-dhiig oo u dhow Madaxtooyada.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda, iyadoo dadka deegaanka ee ku noolaa xaafada madaafiicda ku soo dhaceen argagax iyo cabsi la soo deristay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka madaafiic ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadlay ay sheegeen in 8 madfac ku weerareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dalka Soomaaliya oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.