Weerarkii Xalay Ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliya + Dilalka Qorshaysan Ee Dhalinyarada Muqdisho

0
268

Muqdisho (Tayosame news)  Xalay fidkii ayaa waxaa marqudha jug culus laga maqlay fadhiisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin agagaarka Wasaaradda Gaashaanigga, waxana xigay dagaal toos ah oo mudo socday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta ay aheyd weerar bambaanooyinka Gacanta laga tuuro intsi kadibna ay maqlen dhawaqa rasaas la’isku ridayay.

Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse dadka deegaanka waxa ay sheegeen in mudo kooban kadib xaalada sideedii ay ku soo laabatay saraakiisha ciidamada xoogga dalkana weli kama aysan hadlin weerarkaas.

Dhinaca degmada Xamarweyne ayaa waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaley siiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray  Ayaanle in kastoo Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.

Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.