Kuuriyada Waqooyi Oo Cunaqabataynta Dunida Ku Tilmaantay Dagaal Hor Leh

0
32

North Korea (Tayosame news)   Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay xayiraadihii ugu dambeeyey ee Qaramada midoobay ay ku soo rogtay inay yihiin ficil dagaal.

Hadal laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas ay u dhigmaan xayiraad dhaqaale oo dhamaystiran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee KCNA.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.

Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.

Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.