37 Ruux Oo Ku Geeryooday Dab Ugu Geeryooday Dalka Filibiin

0
17

Philippine (Tayosame news)  Ugu yaraan 37 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku geeriyoodeen dalka Philippine kadib markii uu dab ka kacay goob laga dukaameesto oo ku taal koonfurta magaalada Davao.

Kooxaha dab damiska ayay ku qaadatay in ay damiyaan dabkaasi saacado, waxa uuna ka bilowday dabaqa saddexaad ee dhismaha waxaana ku xayirmay shaqaalihi ku sugnaa halkaasi.

Booliska ayaa sheegay in dabka aysan arkin markii uu goobta ka kacaayay , madaxweynaha dalkaasi Rodrigo Duterte ayaa booqday dhismaha uu dabku qabsaday waxa uuna la kulmay qoysaska la waayey dadkoodii.

Ku xigeenka duqa magaalada Davao Paolo Duterte, oo ah wiilka madaxweynaha ayaa sheegay in fursadda ay ku badbaadi karaan dadka ku xayiran gudaha ay aad u yartahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.