Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dhex Dilay Goobtiisa Ganacsi Dalka Koonfur Afrika

0
326

South Africa (Tayosame news)  Kooxo hubeysan oo Budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town ee dalkaas ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Muwaadinkaan oo loogu tegay goobtiisa Ganacsi ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Mahad Salaad,kaas oo markiiba Goobta ku geeriyooday.

Budhcadii Muwaadinka Soomaaliyeed dilkiisa ka dambeysay ayaa Goobta ka baxsatay,waxana meydka Marxuumka goobta ka qaaday Soomalida ku Ganacsada dalkaas.

Majirto ilaa iyo hadda cid sheegtay msuuliyada dilkaas iyo sababta loo dilay balse waxa uu qeyb ka yahay dilalka mar waliba Soomaalida loogu geysto Gudaha dalka Koonfur Afrika kaas oo ay walaac ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.