Madaxweynaha Turkeyga Oo Booqasho Ku Jooga Sudan iyo Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen

0
284

Sudan (Tayosame news) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhiggiisa Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa magaalada Khartoum ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi.

Heshiisyada ay labada Madaxweyne kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah Iskaashiga Istiraatiijiyadda, in la aas aaso gole iskaashi oo heer sare ah, kana dhaxeeya labada dal

Waxaa kale oo ay kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan wadaagga ganacsi iyo dhaqaalaha, Iskaashiga Protocolka, Tenoolijiyadda, warshadaha, beeraha, waxbashada, dalxiis.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho ku maraya dalal ka mid ah kuwa Afrika, si uu u xoojiyo xidhiidhka kala dhaxeeya.

Erdogan ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo illaa 200 oo ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan dalalka Afrika ee booqashada uu ku tagayo, Dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka xidhiidhka dhow ee saaxibtinimo kala dhaxeeya Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.