Shirka Gudoomiyayasha Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Furmaya Baydhabo + Ciidamo Hubaysan Oo Magaalada Lagu Daadiyey

0
76

Somalia (Tayosame news)  Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaadhka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo salaasa ah waxaa ka furmaya shirka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada ka jira somaliya.

Baydhabo shalay waxaa gaadhay Guddoomiyaha Golaha Shacabka somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan Baydhabo lagu qabanyo in lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee Muqdisho lagu qabto, wuxuuna tilmaamay in laga hadli doono arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada ka jira somaliya.

Ajendaha shirkan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidmo hubeysan.

Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.