Siyaabo Aad Ku Ogaan Karto In Gacalisadaadu Ku Nacday Wax Dan Ahna Lagaa Lahayn

0
355

Hargeisa (Tayosame news)  Waxa aan halkan idiinku soo badhigi doona dhowr siyaabood oo aad ku garan karto in jacaylkaagu ama gacalisadaadu kaa nijad jabtay wax jacayl ahna hada aan laguu haynin,

Lamaanaha way soo kala dhex geli karaan isku dhacyo, xanaaq iyo waxyaalo kalo badan laakiin gacalisadaadu marka aanay wax jacay ah kuu haynin waxaad dareemi doontaa sadex waxyaabood oo si badheedh ah aad u arki doontid, waxaanay kala yihiin

  1. Waxa is badelaya wakhtiga: Fursadihii faraha badnaa ee ay gabdhu kuu haysay ayaa meesha ka baxaya iyadoo ku meeraysanaysa mashquul ayaan ahaa, waxan rabaa inaan hawlo badan soo qabsado, mashquul aad ah ayaan ahay ee hayga xumaanin iyo qaar kaloo badan
  2. Tellka oo laga jawaabi waayo: Marka aad garaacdo ama wacdo wax dhici doonta in laa jawaabi waayo telefoonka lagaana qaban waayo, marka aad aragtona waxa laguugu jawaabi doonaa walaalo maan arkaynin oo waan ka maqanaa, walaalo shaqo badan ayaan hayey, walaalo maan maqlaynin oo codka ayaa ka xidhaa(Silent) laakiin wakhtigii ay qiimaha kuu haysay marka aad wacdo markaba waa laga jawaabi jirey xataa hadii aanay arkaynin waa lagugu soo celin jiray.
  3. Cadho Joogto ah: mida aad ah ee aad ku garan karto in lagu nacay waa cdho iyi muran joogto ah, iyada oo mararka qaar ka xanaaqda waxyaabo markii hore caadi idiin ahaa. waxa aanad mararka qaar aad la kulmi iyada oo aad isaga cadhaysiinaysa iyo hadalo kulkul.
  4. Qalad lagugu raadiyo: waxa dhici doonta in qalad lagugu raadiyo si laguugu sheego in lagu nacay iyo ficilada qaar aad dhibsanayso oo lagu celceliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.