Cajiib: Gabadh Lagu Soo Dalacay Biil Koronto Oo 284 Bilyan Dollar Ah

0
343

USA (Tayosame news)  Biil koronto oo kor u dhaafaya 284 bilyan oo doollar ayaa ka argagixiyay haweenay ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka … ka hor intii aysan ogaanin in biilkaasi uu khaldan yahay.

Mary Horomanski ayaa sheegtay in laga dalbaday in ay kharashka koronta ku bixiso ilaa bisha Nofembar ee 2018ka.

“Indhahaygu madaxa ayay ka soo boodi gaadheen, Waxaan diyaarinaynay nalalkii ciidda Masiixiga, waxaan ka shakiyay in aan si sax ah u diyaarinay.” waxay sidaa u sheegtay wargeyska Erie Times-News. ”

Shirkadda korontada ayaa markii dambe sheegtay in lacagta rasmiga ah ee haweenayda lagu leeyahay ay tahay 284.46 oo doolar.

Afhayeenka shirkadda korontada ayaa sheegay in uusan ogayn sida ay ciladdaasi u dhacday ee Horomanski looga dalbaday in ay bixiso 284,460,000,000 oo doolar, halkii laga dalban lahaa in ay dhammaadka Diiseembar ka bixiso 28,176 oo doolar.

“Ma xasuusto waligay ruux laga dalbaday in uu bixiyo kharash koronto oo balaayiin doolar ah,” ayuu Mark Durbin ku yidhi Erie Times-News.

“Wuxuu sheegay in uu macmiilka uga mahadcelinayo in ay la soo xidhiidhay shirkadda korontada si ay ugu wargaliso khaladka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.