Maxa Keena Calool Istaaga?, Siyaabaha Looga Hortago iyo Iska Daaweyntiisa.

0
38

Hargeisa (Tayosame news)  Marxaladaan waxaa uu qofku lakulma xiliyada kala duwan ee noloshiisa, xiidmaha qofka waxay sameeyaan dhaqdhaaq maalin kasta ugu yaraan 2 ilaa 3jeer, dadku waa ay ku kala duwanyihiin dhaqdhaqaaqaan, qof ayaa laga yaabaa inuu 3 jeer ama laba jeer suuliga aado maalintii halka qofkale laga yaabo inuu aado 2 ama 3jeer isbuucii. Calool istaagu waa markii uu yaraado dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan xiidmahu, waxaana qofku uusan aadin suuli ugu yaraan 3maalmood.

Maxaa Sababa: cunida baruurta tirada badan, cunid la’aanta cunooyinka balku (fiber) ku badanyahay. Abitayt xumo, kansarka ku dhaca kolonka, fadhiga badan, daawooyinka qaar sida (antacids ka kooban calcium iyo aluminum). Uurka, walwalka xad dhaafka ah, neeerfayaasha ama muruqyada caloosha oo si fiican u shaqaynayn, xanuunada ku dhaca xiidmaha (irritable bowel disorders), biyaha oo aan xadi kugu filan aadan cabin, xanuunada ku dhaca neerfayaasha ( sida Parkinson disease iyo multiple sclerosis), intuba waa sababo aan la dhayalsan Karin oo uu leeyahay calool istaagu.

Calaamadaha: calaamadaha calool istaaga waxaa kamida; dhaqdhaqaaq yaraan laga dareemo xiidmaha iyo caloosha oo soo waynaata, dibiro, cunada oo kaa hor imaata, saxarada oo kugu dhagta, qofka oo dareema in saxaradu aysan soo wadan dhamaan, matag, iyo baabasiir (caabuq).

Daawada: Calool istaagu maahan xanuun, waa cilad kooban oo lagu xalin karo qaabab badan oo aan daawo u baahnayn inta badan, biyaha badan oo lacabaa iyo cunada oo la isu dheelitiro waa tiirarka muhiimada koowaad u leh daawaynta calool istaaga. Jimicsiga iyo socodku iyaguna waa qodobo lama huraan u ah daawaynta calool istaaga.

Talo: iska ilaali inaad badsato fadhiga, marwalba samee jimicsi hana ilaawin in biyihu yihiin hub lagu baabi’in karo calool istaaga. Caafimaadka guud oo aad ilaashato waxay yaraynaysaa jaaniska aad ula kulmi kartid calool istaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.