DEGDEG: Afar Ruux Oo Loo Xidhay Meyd Lagu Arkay Goob Ganacsi Oo Ku Taalla Muqdisho

0
460
Somaliya (Tayosame news)   Maamulka degmada Xamarweyne iyo laamaha amniga ayaa baadhitaano ku haya dad loo qabqabtay Meyd kafneysan oo lagu dhex arkay Goob Ganacsi oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Goobtaan Ganacsi oo ku taalla agagaarka Kawaanka Hilibka Xamarweyne ayaa ah Makiinada Cajiinka lagu shiido, waxana lagu arkay Meydka oo kafaneysan taas oo dadka ka agdhow Goobtaas ay aad ula fajaceen.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Xamarweyne oo Goobta tegay ayaa Xabsiga dhigay 4 Ruux oo isugu jira Ehelada Goobta Ganacsi iyo dad ka Shaqeynayay Goobta oo uu dhismo ka socda.

Xogheyaha degmada Xamarweyne Maxamed Qeys oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in dadka falkaas loo qabtay ay baadhitano ku socdaan isla markaana ay geeyeen Xarunta dembi baadhista ee CID-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.