Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqayn Ku Dileen In Ka Badan 13 Dagaalyahano Alshabaab Ah

0
245
Somalia (Tayosame news) War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom),  ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya weerar duqeyma ah  laguna dilay 13-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, si meesha looga saaro Al-qaacidada Somaaliya ee Al-shabaab.

Mareynkanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya, ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan Al-shabaab ,goobaha ganbaadka u ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka intuba.

Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balaan qaaday  iney sii wadi donaan weerarada lagu bartilmaa meedsanayo xarumaha iyo goobaha Shabaab ay ku sugan yihiin.

Mareykanka ayaa xoojiyay weerarada lagu qaadayo xarumaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin xoogaga Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaliya iyo dalka an dariska nahay ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.