Israa’iil Oo Ugu Abaal Guday Trump Wado Tareen Oo Loogu Magacdaro Kedib Go’aankii Qudus

0
26

Qudus (Tayosame news) Wasiirka gaadiidka ee Israa’iil ayaa sheegay in uu doonayo in uu sameeyo khad tareen oo dhulka hoostiisa mara kaas oo laga samayn doono qaybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus. Boosteejada tareennada laga raaco ee laga samaynayo agagaarka darbiga ay Yuhuuddu barakaystaanna loogu magac dari doono Donald Trump.

Yisrael Katz ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku sharfo madaxweynaha Maraykanka go’aankii uu ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Darbiga Western Wall ayaa ah goobta ugu barakaysan ee Yuhuudda, waxaana loo ogol yahay in ay ku cibaadaystaan.

Khadkan tareen ee cusub ee la qorsheeyay iyo boosteejada tareenka laga raaco ayaa qayb ka ah ballaarinta tareenka xawaaraha dheer ee Tel Aviv kaas oo la qorshaynayo in la furo sannadka soo socda.

Qoditaanka ay Israa’iil ka wado agagaarka dhismaha Masaajidka Qudus ayaa horay u sababtay mudaaharaadyo ay Falastiiniyiintu dhigeen. Hay’adda dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco ayaa iyadana qaybta qadiimiga ah ee magaalada u aqoonsan Dhaxal Aadane, waxayna walaac ka muujisay qodditaanka dhulka hoostiida laga wado.

Katz oo la hadlay wargayska Yedioth Ahronoth ayaase sheegay in ballaarinta khadka tareenka ee isku xira Tel Aviv iyo Qudus uu yahay “hawsha ugu muhiimsan ee qaran ee u taalla wasaaradda gaadiidka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.