Meydadka Dad Soomaali Ah Oo Laga Helay Kaymaha Mozambique

0
252

Mozambique (Tayosame news)  Dalka mozambique ayaa  laga helay maydadka 13 qof oo loo malaynayo inay Soomaali yihiin.

Maydka dadkan loo maleynaayo Soomaalida ayaa Axaddii laga helay kayn ku taalla gobolka Sofala.

Dadweynaha ku nool agaagaarka meesha maydka dadkan laga helay ayaa dareemay ur iyaga oo marka kadibna booliska ku war geliyay arrintaasi.

Shaqaalaha xafiiska dambi-baadhista ee qaybta caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Mozambique ayaa tagay goobta laga helay meydadka.

Ilo wareediyo kala duwan ayaa sheegaya in dadkan dhintay loo malaynayo inay ku dhex dhinteen koontaynar lagu dhex xidhay iyaga oo ka dhuumanaya booliska dalkaasi, waxaana loo badniayaa inay rabeen inay tahriibaan.

Booliska dalka Mozambique ayaa ballan qaaday inay samaynayaan danbi baadhis lagu ogaanayo xaqiiqada arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.