Hargeisa (Tayosame news) Shirka aan lagu wada dhamyn ee suxufiyiinta somaliland ee solja ayaa hada ka socda magaalada hargeisa gaar ahaan hotel ambassador.
shirkan o ay qaadaceen inta badan saxaafada madaxa banaan ee somaliland ayaa waxa isugu timid in kooban si loogu doorto hogamiye cusub oo ururka ah.
Waxana saxafiyiin ka kala socday gobolada dalka Somaliland oo iskugu yimi magaalada Hargeysa ay kaga dhawaaqeen gudaha hotel Ambassador oo shirku ka socdo garabka Badbaadada SOLJA,waxaana ay ku dhawaaqeen shirwayne ay dhankooda ku dooranayaan hogaan matala.
SI kasteba ha ahaate waxa koox gaar ah oo loo xil saaray qaban-qabaada shirkaasi ay marin habaabiyeen ujeedadii shirka,iyaga oo soo xulay in gaar ah oo u idman inay u coddeeyaan hogaankii hore inay dib usoo laabtaan.
Lama garan karo sida ay ku danbayn doonto ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA.