Isticmaalka Daroogada Iyo Bulshooyinka Soomaalida, Inan Soomaaliyeed Ka Cabanaysa Isticmaalka Daroogada Ee Ninkeeda

0
559

Boosaaso: (Tayosame news) Magaceygu waa Samiira, ninkeyga waxaan isqabnaa mudo 9 bil ah, wax uur ama caruur ah uma lihi, awal ninka inta aan guursan wuxuu ahaa nin sigaarka iyo jaadka isticmaala, guurka ka hor wuxuu ii sheegay in uu markasta isticmaalin, wuxuuna i dhahay hadii aan adiga ku guursado balan waaye in aan iska daayo.

Markii aan isguursanay wuxuu ahaa nin jaadka iyo sigaarka banaanka ku soo caba, habeen kasta wuxuu ii iimaadaa isaga oo afka nanac kuwata nanacaas oo afka carfiya wuxuuna ii sheegay in nanacaan uu jecelyahay balse gadaal dambe aan ka ogaaday in markuu xaafada imaan rabo in uu afka ku caraf sado uu urka sigaarka iska baabi’iyo.

Wuxuu bilaabay in uu la cabsan sigaarka iyo jaadka wuxuu bilaabay in uu guriga la soo galo, aad baan uga xumaaday waxyaabaha uu ku dhaqaaqay, waxaan ka codsaday in uu ifuro mar hadii uu balwada iska jarin, wuu ii ilmeeyay kadib wuxuu iga balan qaaday in uu iska dhaafayo balwada, mido bil gudaheeda ayaan jeebakiisa waxaan ku arkay daroogo ama kaniini, ninkeyga ma hurdo, wuxuuna hada i dhahaa waxaad qaadi karto qaad, wuxuuna ii sheegay in uu xashiishka iyo calaqa isticmaalo, kaniiniga uu yaraantiisii bilaabay.

waxaan rabaa in aan iska furo? taladeyda maka saxanahay? maxaad igu biirin kartaa aragti?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.